tababar kusaabsan xirfada computerka
tababar kusaabsan xirfada computerka ah ayaa looqabatay 30 dhalinyarta garbo kamid ah. Iskaqashatada kaafiso oo kamid ah iskaashatooyinka ugu horeeya deegaanka ayaa ah iskaashato ku kuhawlan isbadalka dhaqan dhaqaale ee bulshada xoolodhaqatada ah ee deegaanka soomaalida. Hadaba iskaashatada oo kaduulaysa qorshayaasheeda kuaadan horumarinta bulshada ayaa tababar lix bilood ah oo kusaabsan barashada kombuyutarka ubilawday dhalinyar tiradoodu dhantahay 35 kuwaasoo kamid ah dhalinyarada kudhaqan degmada garbo ee gobolka nogob. dhalinyartan tababarka loo bilaabay ayaa kaaa ah 15 gabdhood iyo 20 wiil. Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in iskaashatadu ku hawlantahay sidii ay door muhiim ah uga ciyaari la ahayd dhanka wacyigalinta iyo tobabarka shaqo abuurka xoolaha iyo beeraha. iskaashatadan kaafiso ayaa kahawlgasha islamarkaana xarumo kuleh meelokaladuwan oo deegaank ah sida caasimada jigjiga, xarunta gobolka qoraxay ee qabridahar iyo waliba degmada Garbo ee gobolka nogob. Iskusoowada duuboo, dhalinyartan ayaa markay qalinjabiyaan gacantooda kushaqaynsan doona waxaana la isugi xidhidoonaa iskaashatooyin kushaqaysta xirfada computerka.






